Faafhaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay Alshabaab Galabta ku qaadeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo galbeedka magaalada uu weerarka ka dhacay.
Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa muddo ku dhow saacad dhex maray Ciidamada Dowladda iyo dagaalamayaasha Alshabaab, waxayna saraakiisha ciidamada dowladda ee degmada Qoryooley sheegeen inay dileen 4 Alshabaab ka tirsan, ayna gowraceen amiirkii ciidamada watay.
Dadka degaanka ayaa sheegay in kooxda Alshabaab la jebiyey oo dib loo celiyay weerarkii ay galabta ku soo qaadeen, qasaare dhimasho iyo dhaawac ahna la gaarsiiyey inkastoo dhinaca aanu wax war ah kasoo bixin.