Thursday, June 26, 2025

Kooxda Daacish oo shaacisay inay sarkaal ka tirsan NISA ku khaarijisay Magaalada Muqdisho

Kooxda khilaafada islaamiga ee Daacish ayaa soo saartay war ay ku sheegtay inay sarkaal ka tirsan ciidamada Nabadsugidda ee NISA ku khaarijisay Magaalada Muqdisho.

Wakaalada Wararka ee taabcsan kooxda Daacish ACMAAQ ayaa baahisay in falka khaarijinta ah ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Waqooyiga Muqdisho.

Ma jirto cid xaqiijisay falkan iyo jiritaankiisa, kamana hadlin ciidamada NISA iyo dowladda Federaalka, waana markii ugu horeysay ee Daacish ay sheegato fal noocan oo kale ah muddooyinkan danbe.

Kooxda Daacish ayaa fariisin ku leh Gobolka Bari, siiba buuraha Galgala, waxaana aad u yar joogitaankeeda Koonfurta Soomaaliya iyadoo Alshabaab iyo dowladda Federaalka ay la wada dagaalamaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON