Fanaaniinta Kooxda Xiddigaha Geeska ee degan magaalada Hargeysa, Somaliland ayaa maanta kasoo degay Magaalada Muqdisho, iyagoo isu diyaarinaya inay xaflado waaweyn u qabtaan dadka reer Muqdsiho Munaasabadda Ciidul Adxaa ee foodda nagu soo heysta.
Bandhig Faneedyo ay kula qeybsanayaan farxada ciida ayaa lagu wadaa inay kooxdu ka dhigto magaalada Muqdisho. Waxaana xubnaha fanaaniinta Muqdisho maanta yimid ka mida:
- Nimcaan Hilaac
- Maxamed Axmed Cirro Bakaal
- Xamda Queen
- C/raxmaan Oday
- iyo qaar kale.
Nimcaan Hilaac ayaa hore Muqdisho u yimid isagoo Ciidii hore bandhigyo faneedka dhigay magaalada Muqdisho, waxaana muuqata inuu kooxda u soo sahmiyay. Hobolo iyo dadweyne ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Xamda Queen ayaa sheegtay inay tahay markii ugu horeysay ee ay Muqdisho timaado isla markaana ay farxad darteed ay la dhici gaartay.
[ad name=”HTML-1″]
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]