Sunday, July 13, 2025

Kooxda Maamulka Puntland oo goolal badan uga badisay Kooxda Koonfur Galbeed

Ciyaar kale oo ka tirsan tartanka maamul goboleedyada dalka ayaa galabta Garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium

ku dhex maray laba kooxood ee ka kala socda Maamulada Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Kulanka oo ahaa mid aad uxiiso badan ayay kooxda Puntland ka socota u ahayd kulankeedii ugu horeeyay halka K/Galbeed  ay hore uga soo badisay Banaadir.

Kooxdii ka socotay Puntland ayaa cashar ciyaareed siisay Koonfur Galbeed, kadib markii ay qeybtii hore ee ciyaarta ku  marsiisay  3 gool iyo 0,  waxaana qeybtii dambe ay ciyaartoyda Puntalnd la yimaadeen gool kale, taasoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay  4 – 0.

Koonfur Galbeed ayaa hadda xaqiijisay inay ka hartay tartanka kubada cagta maamul goboleedyada dalka, markii laba kulan oo is xiga laga badiyay, waxaana la sugayaa ciyaarta dhex mari doonta kooxdaha Banaadir iyo Puntland oo u muuqda inay taag roon yihiin.

Berito waxaa wada ciyaaraya kooxaha Jubbaland iyo Galmudug, waxaana kooxda Jubbaland ay kulankii  la kulantay guuldaro ay  kooxda Hiiraan/Shabeelaha Dhexe uga soo badisay 2 iyo 1.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON