Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa la safatay dowladda Soomaaliya iyadoo ku taageertay xiisadda diblomaasiyadeed ee kala dhaxeysa Imaaradda Abu Dhabi.
Mid ka mida madaxda kooxda Xuutiyihiiinta oo madax ka ah Guddiga Kacaanka kooxda xuutiyihiinta oo lagu magcaabo Maxamed Cali Al-Xuuti ayaa farriin uu soo diray baraha bulshada ugu baaqay Imaaraadka inay faraha kala baxaan Soomaaliya oo ah sida uu yiri dad xor ah oo aan aqbalin faragelinta.
“Waxaan caddeyneynaa inaan taageersanahay walaalaheen Soomaaliyeed, waxaan cambaareyneynaa falalka Imaaraadka ka wado Soomaaliya, waxaan Imaaraadka u sheegeynaa inay qashinkooda kala fogaadaan dadkaas xorta la ogaa casharkiiaan la iloobaanka ahaa ee ay u dhigeen Mareykanka, arrintaasina ku cibra-qaata intaanu waqtiga idinku dhicin…” ayuu yiri Maxamed Cali Xuuti.
Xuuthiyinta ayaa dagaal kula jira isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaradka oo muddo ka badan 3 sano weerarro ku haya dalka Yeman.