Sunday, July 13, 2025

Kormeerayaasha Caalamiga ah ee Doorashada Somaliland oo Digniin soo saaray [Akhriso Qoraalka]

Guddiga Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa war ay kasoo saareen doorashada madaxweynaha Somaliland waxay ugu baaqeen xisbiyada siyaasadda inay ka fogaadaan wixii qalalaase keeni kara.

Qoraalka Guddiga kormeerka oo UK ay maalgelisay ayaa lagu sheegay inay ka warqabaan cabashada ku saabsan qaabka doorashadu ku dhacday, iyadoo ugu baaqay dadka cabanaya inay maraan dariiqa sharciga ah oo lagu caddeyn karo, laguna xalin karo cabashadooda.

“Qalalaasaha iyo xasilooni darradu waxay dhaawaceysaa nabadda Somaliland ee sanadaha badan dhibaatada loo soo maray, umana adeegayaan dadka Somaliland..” ayaa lagu yiri qoraalka kormeerayaasha caalamiga ah ee korjoogtada ka ahaa doorashada.

Waxay ugu baaqeen Guddiga Doorashada inay sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan u soo saaraan natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada madaxweynaha Somlailand.

HOOS KA AKHRI QORAALKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON