Wararka laga helayo maghaalada Muqdisho ayaa sheegaya in degmada Wardhiigley ay Koronto ku dishay wiilal dhalinyaro ah.
Dad degaanka ayaa ayaa xaqiijiyey Geeridda labadan wiil oo Korontadu qabsatay iyadoo maraya wado ciriiri ah oo Baallo Koronto ay ku soo dhacday agagaarka xarunta degmada Wardhiigley, waxaan wiilasha dhintay da’dooda lagu sheegay 16 ilaa 15 sano jir.
Mid kamida wiilasha geeriyooday ayaa la sheegay in uu ku sii jeeday goobtiisa shaqo oo ku taala Suuqa Bakaaraha, halka kan kalana wararku ay sheegayaan in uu u socday goob jirdhiska lagu sameeyo.
Dadka deegaanka ayaa u soo gurmaday si ay u badbaadiyaan, balse waa usuurageli weyday inay badbaadiyaan, waxayna dhacdadan ka mid tahay falal is daba joog ahoo Koronto ay ku waxyeeleysay dadka magaalada Muqdisho.
Dhacdadii Koronto ee dad badan galaafatay waxaa ugu darneyd falkii ay ku naf waayeen 7 qof oo hal qoys ah, oo xilli habeen uu gurigooda oo ku yaal degmada Yaaqshiid magaalada Muqdisho uu ku soo dul dhacay xarig koronto oo sababay in gurigii oo dhan uu gubto ayna geeiryoodaan 6 carruur ah iyo hooyadood.