Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in dad ku dhow 100 qof laga helay cudurka Covid-19, 24-kii saac ee lasoo dhaafay.
Tirada dadka cudurka Covid-19 laga helay ayaa gaaraya 97 oo 35 qof oo ka mida ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, waxa sidoo kale Somaliland laga helay 32 ruux, halka Koonfur Galbeed dadka laga helay cudurka ay dhan yihiin 22 iyo Puntland oo 8 qof laga helay.
Shan qof oo hor leh ayaa u dhintay cudurka, taasoo tirada guud ka dhigeysa 72, waxayna tirada guud ee dadka qaba cudurka gudaha Soomaaliya hadda gaartay 1,828, waxaana ka bogsaday 310 ruux.