Thursday, June 26, 2025

Ku-simaha Madaxweynaha oo ka hadlay Weerarkii Qaraxyada ee Alshabaab ku qaaday Hotel Saxafi

Kusimaha Madaxweynah , ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa cambaareeyay weerarkii qaraxyada ee ka dhacay ee Alshabaab ku qaaday Hotelka Saxafi  ee Magaaladda Muqdisho.

“Anigoo ku hadlayay Magacayga iyo kan madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan cambaareynayaa falkii argagisinimo ee galabta dhacay, dadkii ku geeriyooday Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo kuwii uu dhaawac soo gaareyna Caafimaad deg deg ah allaha ha siiyo” Ayuu yiri kusimaha Madaxweynaha.

Ku-simaha Madaxweynaha ayaa bogaadiyey ciidamada amniga oo  ka hortaga maleeshoyada Alshabaab. “Waxay dad Shacab ah  qarxiyeen iyadoo ay tahay maalin jimce ah, waa koox caadeysatay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed, waxaana dadka Soomaaliyeed  ugu baaqayaa in ay u midoobaan la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah”  Ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON