Kadib markii dhoof caashaq ku dhacay madaxdii dalka oo dhan oo mar qura ay dalka ka wada tageen toddobaadkii hore, ayaa waxaa haddana Muqdisho ka dhoofay kusimihii Ra’iisal wasaaraha oo ahaa wasiirka Cadaaladda C/llaahi Axmed Jaamac Ilkajiir, waxayna arrintan soo jiidatay dad badan oo isha ku haya xaalada ay ku shaqeyso dowladda waqtigeedu sii dhammaanayo.
Waxaa mar kaliya dalka ka maqan madaxda soo socota:
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
- Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan
- Ra’iisal wasaaraha Cumar C/rashiid
- Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar
- Ku xigeeenka Ra’iisal wasaaraha Maxamed Cumar Carte
Waxaa intaas wehlisa in 20 wasiir ay ka maqan yihiin dalka xilligan, waxaana xaalada uga sii daray markii uu isna Muqdisho ka dhoofay shalay wasiirka Cadaaladda oo sii hayay xilka kusimenimada isagoo ku wareejiyay wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo hadda ah kusime, waxayna xaaladu noqoyay ku-sime xilka ku wareejiyay ku-sime kale.
Shaqooyinka dibadda loo aado oo muhiimad u leh madaxda dowladda, waxay ku habooneyd inay isu miisaamaan oo qaarkood ay dalka sii joogaan si ay talo ugu yeeshaan xaaladda cakiran ee dhinac waliba leh oo heysta dowladda, laakiin waxaa muuqata in qof mas’uul waliba uu safar gaad yahay, meelna la iska dhigay mas’uuliyadii qaran.
Goobjooge.com