Kulankii u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo & Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Somalia.
Kulanka oo guddiyo labada dhinac ka socda ay soo diyaariyeen ayaa ku bilowday Qado, kadibna waxaa kulanka ahaa mid gaara oo qaatay saacado badan ilaa la isla gaaray Maqrbinimadii, iyadoo markii uu soo gabagaboobay ay madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ugu yeereen weriyeyaasha xaruntooda magaalada Muqdisho, iyadoo ka hadli doona wixii lagu soo qaaday kulanka iyo natiijadii kasoo baxday.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in kulanka uu ahaa mid adag oo looga dooday arrimihii u dhaxeeyay labada dhinac ee doorashada, xayiraadii la saaray madaxda Madasha, Amniga iyo qodobo kale, iyadoo la isu soo dhowaaday.
Waxa hadda socda qabanqaabada shirka jaraa’id ee Madaxda madasha Qaran ee ay ku faahfaahin doonaan natiijada kulanka oo ahaa kii ugu horeeyay ee labada dhinac fool ka fool u yeeshaan.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..