Thursday, April 18, 2024

Almaas Elman Cali Axmed oo lagu dilay Gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gudaha xerada Xalane ee AMISOM ay maamusho lagu dilay Almaas Elman Cali Axmed oo ah gabar uu dhalay Elman Cali Axmed oo u ololeyn jiray nabadda.

Waxaa la sheegay inay rasaas haleeshay xilli ay ku sugneyd xeradda Xalane, iyadoo aan faahfaahin laga bixin halka ay ka timid rasaasta iyo cidda ka danbeysay. wararka qaar ayaa sheegaya inay haleeshay rasaas wiifto ah; waxaana loola cararray isbitaalka AMISOM ee Xalane, halkaasoo la sheegay inay ku geeriyootay.

Almaas Elman Cali Axmed ayaa hore u soo noqotay xoghayaha safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya, waxayna ka mid tahay gabdhaha uu dhalay Elman Cali Axmed, iyadoo la dhalatay Ilwaad Elman Cali Axmed oo UN-ka la shaqeynaya, madaxna ka ah ahay’adda Elman Peace iyo Iimaan Elman oo ka mida saraakiisha xoogga dalka.

Ad

Ma jiro wax war ah oo aty kasoo saareen AMISOM iyo UN-ka, iyadoo dowladda Somalia ay u gaabsaday inay baareyso arrintan.

LA SOCO FAAHFAAHINTA…

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON