Tuesday, June 24, 2025

Kulan Baarlamaanka Galmudug ku yeelan lahaa Magaalada Cadaado oo la hakiyay [Akhriso sababta]

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in la hakiyay kulan ala filayay inuu maanta yeesho baarlamaanka maamulkaasi.

Intii aanu kulankaasi qabsoomin ayaa magaalada laga abaabulay bannaanbax lagu taageerayo go’aankii madaxweynaha Galmudug kula saftay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Xildhibaannada oo u balansanaa inay ka doodaan arrimaha garsoorka, dhaarinta laba xildhibaan oo cusub iyo arrinta muranka ka dhashay ee go’aanka madaxweyne Xaaf oo ay ka hor yimaadeen guddoomiyaha Baarlamanka iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa loo hakiyay xaaladda kacsan ee magaalada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan madaxweyne Xaaf ay hor istaageen xildhibaannada, waxaana khilaafka siyaasadeed ee madaxda Galmudug uu yeeshay weji qabiil, waxaana magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacayo kaga abaabulay bannaanbaxyo lagu taageerayo madaxweyne Xaaf.

SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON