Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa Xaflad duco iyo xusuus ah maanta ugu qabatay Royal Palace Hotel ee Magaalada Muqidisho Marxuum Abdirahman Jamac Barre, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda oo August 15, 2017, ku geeriyooday Magaalada San Diego, Gobolka California ee dalka Mareykanka.
Xafladan ducada ah oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare, Wasiirro, Xildhibaanno ka kala tirsan labada aqal, qaar ka mid ah danjirayaasha Soomaalida, qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada, diblomaasiyiin, samadoonno, indheer garad, aqoonyahanno iyo dad wax ku ool u ah bulshada, waxa ayna dhammaantooda Allah uga baryeen Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre in qabrigiisa ka dhigo beer ka mid ah beeraha Jannada, hoygiisana ka yeelo Jannada sare ee Alfardows.
Hadallo ay xafladda ka kala jeediyeen Danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan, Danire Cali Maxamed Cali iyo diblomaasi hore Cabdi Shire Warsame, waxa ay wada xuseen kartidii maamul ee uu ku hagayay marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre howlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo siyaasaddeeda, taasi oo horseed u noqotay in saaxadda caalamka iyo midda gobolka ay si wayn uga muuqato Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdirisaaq Cusmaan Xasan “Juriille” oo ah xubin ka tirsan Aqalka sare ayaa muujiyay in xog ogaalnimadii Cabdiraxmaan Jaamac Barre ay wax weyn ka badashay howlihii shaqo ee Wasaaradda mudadii uu joogay, xaqiijiyayna guulo la taaban karo.
Si la mid ah Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Abdullahi Hamud Mohamed ayaa farriin tacsi ah oo uu ka siday Ra’iisul wasaare Hassan Ali Khayre u gudbiyay qoyska Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre, isaga oo xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay la qeybsanayso murugada iyo tiiraanyada reerka Wasiirkii hore.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka sare Mowleid Hussein Guhad ayaa isna tacsi uu ka sidday Guddoonka iyo xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu u gudbiyay qoyska Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre, isaga oo sheegay in wanaaggii uu ka tagay Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac ay sababtay in jiilka xilligan shaqeeya ay maamuusaan waxqabadkiisii, ayna u duceeyaan.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abdulkadir Ahmed-Khayr Abdi ayaa isna sheegay inuu ka mid ahaa jiilkii da’yarta ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ka shaqeynayay xilligii uu Wasiirka ka ahaa Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre, isaga oo ku tilmaamay in cadaalad-falkiisii ay gaartay heer uu ka war-doono diblomaasiga xanuunsada, uuna uga farxiyo kuwa dadaalka badan darajooyin kala duwan oo dalacsiin iyo abaal marrinno leh.
Qoyska Marxuumka oo xafladda goob ka joog ka ahaa, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo marti sharafta kale uga mahadceliyay ka qeybgalkooda xafladda ducada, waxa ayna bogaadiyeen sida qiimaha leh ee loo maamuusay Marxuumka.
Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii kacaanka ayaa labo xilli noqday Wasiirka Wasaaadda Arrimaha Dibadda iyo sidoo kale Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Maaliyadda, waxa uu ahaa siyaasi indheer-garad ah, macallin iyo barbaariye.
Allah u naxariisto, Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxa uu noqday Wasiirkii lixaad (6aad) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isagoo ka shaqeeyay howlaha diblomaasiyadda muddo dhan11 sano, waxuuna ahaa muwaadin u adeegay dadkiisa iyo dalkiisa.