Kulan la filayay inay maanta yeeshaan Guddigii Baarlamaanka Federaalka u xils aaray Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ayaa qabsoomi waayay.
Guddigan oo uu ka baxay xildhibaan C/raxmaan Odowaa, kadib markii uu ka cudurdaartay ayaa lagu waday inay maanta kulmaan si ay u sameysteen guddoomiye iyo xogheyn una bilaabaan howshii loo xil saaray, laakiin waxaa la sheegay inuu kulankooda u baaqday arrimo farsamo.
Guddoonka Golaha shacabka ayaa guddiga oo ka kooban 15 xubnood soo magacaabay, iyadoo loo sheegay inay muddo laba maalmood gudahood ah shir ku yeesheen, lagana war sugayo in ugu daneyn 10-ka Octobar ay warbixintooda soo gudbiyaan.
Xildhibaanada ka hor yimid go’aanka xukuumadda Soomaaliya ay Itoobiya ugu gacan gelisay C/kariin Qalbi dhagax ayaa dhaliilay qaabka Guddigan loo dhisay, iyagoo Guddoomiyaha Baarlamaanka ku eedeeyay inuu dhinac u xaglinayo.