Monday, June 23, 2025

Kulankii koowaad ee Madaxda Somalia & Somaliland oo furmay (Yaa dhedhexaadinaya?)

Wadahadalkii madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa goor dhoweyd ka furmay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Kulankii ugu horeeyay waxaa ka qeyb galaya madaxda sare, dhinaca Soomaaliya waxaa kulanka fadhiya Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh iyo Ra’iisal Wasaaraha Xasan Cali Kheyre, dhinaca Somaliland waxaa u metalaya Madaxweyen Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Saleebaan Gaal, halka ay dhexdhexaadinta wadaan Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geeelle iyo Ra’iisal wasaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyadoo uu goobjoog ka yahay Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa shirka ku sheegay inuu yahay mid lagu anba qaadayo shirkii dib u heshiisiinta si khilaafaadka jira loogu dhammeeyo wadahadal.

Ad

Shirka oo ah mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa lagu wadaa inay xigaan kulamo kale oo xiriir ah, iyadoo la isku waafaqayo ajandayaasha shirka labada dhinac oo aan hore loo shaacin.

Image
Image
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON