Wednesday, June 25, 2025

Kulankii wadahadalka Mooshinka Madaxweynaha oo baaqday & war kasoo baxay Jawaari

Kulankii lagu waday inuu maanta furmo si looga wadahadlo Mooshinka laga keenay madaxweynaha oo uu ku baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa baaqday kadib markii qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoonka Baarlamaanka lagu sheegay in shirku baaqday iyadoo uu dalka ka maqan yahay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid.

Jawari-Jeylaani-iyo-mahad

Qoraalka guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in wadahadalka mooshinka uu dib ugu dhacay iyagoo uu dalka Imaaraadka Carabta tegay Ra’iisal wasaaraha oo lagu waday inuu shalay dib ugu soo laabto dalka kadib markii uu ka soo qey galay shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inuu 10-ka bisha ku soo laaban doono dalka.

Madaxweynaha ayaa hore ugu wakiishay inuu wadaxaajoodka Mooshinka u metelo Ra’iisal wasaaraha, wakiilna uga yahay waanwaanta laga gelayo arrinta mooshinka. Dhinaca kale inta badan xildhibaanada keenay Mooshinka ayaa qaadacay intooda badan wadahadalka, waxaana maanta xarunta Baarlamaanka Villa Hargeysa tegay xildhibaano kooban.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON