Monday, June 30, 2025

Kulliyada Shareecada ee Jaamacadda Soomaaliya oo qabatay Kulan Cilmiyeed [Sawirro]

Nadwo cilmiyeed ay soo qaban qaabisay kulliyadda shareecada iyo Daraasaadka Islaamka ee Jaamacadda soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hoolka weyn ee Jaamcadda (UNISO), Xarunta Osman Geedi Raage (OGR) Campus.

Nadwadan oo cinwaankeedu ahaa “Muhimadda uu barashada cilmiga shareecadu u leeyahay qofka iyo bulshada” ayaa waxaa kasoo qeybgalay qaar kamid ah culimada soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadda, waxaana kalmado soo jeedin ku kala lahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal, Sheekh Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Yare), Dr. Sh. C/Razaaq Mucalim Aadan.

Sheekh C/qaadir Yuusuf Cismaan oo daahfuray Nadwada ayaa ka hadlay muhimadda ay nadwooyinka noocan oo kale ah ay u leeyihiin bulshada soomaaliyeed, isagoo soo dhaweeyay Culimada, kasoo qeybgalayaasha iyo martisharafta.
sidoo kale sheekh Axmad Yare oo kamid ahaa culimadii wax ka soo jeedinaysay nadwada ayaa ka hadlay Fadliga iyo sharafka uu leeyahay qofka cilmiga sharciga baranayo iyo faa’idada wanaasan uu u leeyahay Shaqsiga iyo Bulshada intaba.

Halka uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal si Live ah uga qeybqaadanayay Nadwada isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Wuxuuna sheekhu si qotadheer uga hadlay Aadaabta Barashada Cilmiga sharciga, in leesku booriyo iyo caqabadaha ku hor gudban, asagoo su’aalaha la waydiiyay si toos ah uga jawaabay dardaarana kusoo xiray.

Waxaana sidooo kale goobta kalimad muhim ah ka jeediyay Dr. Sh. C/rizaaq Macalin Aadan oo ku xeeldheeraaday Doorka ay kulliyadaha shareecadu ku leeyihiin adeegga bulshada iyo sare uqaadista barashada cilmiga shareecada, su’aalaha la waydiiyayna si faahfaahsan ayuu uga jawaabay asagoo ku soo xiray dardaaran iyo guubaabo waafaqsan qeybtiisa.

Ugu danbeyntii waxaa nadwada soo xiray Camiidka Kulliyadda Shareecada iyo Diraasaadka Islaamka Ee Jaamcadda Somaaliya (UNISO) Dr. Axmed Jeylaani Sh. Maxamed (Mucalim Jeylaani), Wuxuuna mahadnaq balaaran u jeediyay maamulka jaamacadda soomaaliya, Culimada ka qeybqaadatay nadwada, Ardayda iyo macalimiinta kasoo qeybgashay, Martisharafta, Warbaahinta iyo cid waliba oo kaalin ka geysatay qabsoomidda Nadwada, isagoo xusay in Kulliyadda Shareecada ee Jaamacadda soomaaliya ay ugu tala gashay Nadwadan iyo kuwo lamidka ah oo u qorsheysan mustaqbalka dhaw ay noqoto mid lagu dardargalinayo sare u qaadida adeegga ay kulliyadda Shareecadu u heyso bulshada, isagoo sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in jaamacadda soomaaliya ay tahay minbar u furan dhammaan culimada soomaaliyeed.

Nadwada ayaa kusoo gabagabowday jawi aad u wanaagsan iyadoo ay dhamaan dadkii kasoo qeybgalayna muujiyeen in aad ula dhacsanaayeen sida sida loo maamulay loona soo dhaweeyay, Qaabka ay nadwadu u dhacday, goobta ay ka dhacday iyo kalmadihii kala duwanaa ee ay Culimada kasoo jeediyeen halkaas.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON