Thursday, June 26, 2025

Kumaandooska Soomaaliya oo dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-shabaab [Magaca]

Ciidamada Kumaandooska DANAB ee milateriga Soomaaliya ayaa dilay horjooge ka tirsan Alshabaab sida ay soo weriyay wakaalada wararka SONNA.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneral Cali Baashi ayaa xaqiijiyay  in howlgal xalay ay aqaadeen Kumaandooska Soomaaliya, kana fuliyeen Shabeellaha Hoose inay ku dileen horjooge sare oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Xasan Cali Dhoore oo kooxdaasi u qaabilsanaa Amniyaadka, iyo Toboneeyo Maleeshiyaad ah oo la socday.

Abaanduulaha ayaa sheegay in Xasan Cali Dhoore uu aha horjooge  muddo  la daba socday iyadoo lagu dilay howlgalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Xalay shaaciyay inuu socdo, waxaana fuliyay ciidamada sida gaarka ah utababaran ee Kumaandooska DANAB.

Hor-joogahaan ayaa hore  madaxdiisa lacag u dul dhigtay dowladda Soomaaliya, wuxuuna Madax ka ahaa qaybta Amniyaatka ee Alshabaab oo ah kuwa fuliyay Dilalka qorshaysan. Howlgalkan ayaa ah kii labaad oo maalmo kooban gudahood ay ciidamada DANAB ee Kumaandoosku ka fuliyaan Shabeellaha hoose.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON