Wednesday, June 25, 2025

Kumanaan dad Bannaanbaxayaal ah oo gaaray Goobta & Rasaas digniin ah oo lagu riday [Sawirro]

Kumanaan qof oo bannaanbaxaya ayaa hareeyay jidadka magaalada Muqdisho, iyagoo qaarkood ay rabshado abuuraan.Dadweyne fara badan ayaa iskood isugu soo baxay iyagoo ka hor dhacay qorshihii maamulka Gobolka banaadir, waxayna isku shubeen goobta qaraxa ka dhacay ee Isgoyska Soobe. halkaasoo ciidamada ay isku dayeen inay ka joojiyaan.

Dadweynaya ayaa xiray Km 4 ilaa isgoyska Banaadir waxayna si awood ah ku jiireen goobtaasi oo ciidamada ay diidanaayeen inay tagaan, taasoo keentay in rasaas kor loogu rido.

Bannaanbaxayaasha qaarkooda ayaa dhagaxyo tuurayay isla markaana  weeraray goobo ganacsi, taasoo dhalisay khalkhal amni, waxaana dadku u muuqdeen kuwo careysan oo aan dheg u dhigin amarrada ciidamada ammaanka.

Wasiirka Warfaafinta dowlada Federaalka ayaa sheegay in dadka bannaanbaxaya aan loo baahneyn inay ku kacaan falal wax u dhimaya ammaanka, wuxuuna sheegay in bannaanbaxa uu yahay mid duco ah oo la isugu tegayo garoonka banaadir ee aanay ahayd mid rabshad la dhigo.

DHAGEYSO

SAWIRRO

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON