Wednesday, June 25, 2025

Kuraas la isku heysto oo maanta lagu doortay Cadaado [Akhriso Magacyada & Beelaha]

Magaalada Cadaado waxaa maanta lagu doortay laba kursi oo ka mida Aqalka hoose ee Baarlamaanka, iyadoo la doortay laba xildhibaan.

Kursigan beesha Sheekhaal/Loobage/Caagane waxaa ku guuleystay Cali Axmed Shariif Cismaan (Cali Yare) oo helay 49 cod,  musharaxa uu la tartamay C/risaaq Maxamed Axmed uu ka tanaasulay.

cali-yareWaxaa xarunta Doorashada ka maqnaa laba musharax oo isaga baxday kadib muran ergada iyo musuq ka dhacay, kuwaasoo kala ah: C/raxmaan Xasan Cilmi (Cowle) iyo  Salaad Cilmi Axmed. Wararka ayaa sheegaya in kursigan dacwad ka taagan tahay.

Kursiga Beesha Ceyr/Bari waxaa ku guuleystay C/xakiim Macalin Axmed oo helay 40 cod, waxaana la tartamay Shukri Cabdi Faarax heshay 5 cod, iyadoo ergada ay gaareysay 45 ergo.
Waxaa la yaab lahayd in afar musharax laga waayay goobta doorashada:
1. Maxamed Caabi Xasan
2. Xaliimo C/raxmaan Faarax
3. Axmed Mire Faarax (Faafaale)
4. Sacdiyo Maxamed Cilmi

ceyr-bari

Wararka ayaa sheegaya in afduub iyo musuq aan hore loo arag kursigan ka dhacay  iyadoo magaalada Cadaado lagu tilmaamay mid ka mida goobaha doorasho ee ugu musuqa badnaa marka laga reebo Baydhaba oo kaalinta koowaad gashay.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON