Guddiga Doorashada Hirshabeelle ayaa shaaciyey Guddiga soo xulaya ergada kursi ka mida kuraasta ku hartay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle.
Kursigan oo tirsigiisu yahay HOP#140 ayaa waxaa hore ugu fadhiyey xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mida musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha ee ka mid ahaa Midowga Musharixiinta, waxaana wararku sheegayaan inuu mar kale kusoo bixi doono kursigan.
Beesha uu kasoo jeedo Musharax Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa waday olole ay ku dooneyso in Doorashada kursiga laga dhigo mid daah furan, balse waxaa arrintaasi wiiqay markii madaxweynaha Hirshabeelle uu taageero siiyay Musharaxan oo isu dhow yihiin.
Guddiga Odayaasha iyo xubnaha ururrada Bulshada ee soo xulaya kursiga HOP140 ee lasoo saaray xalay ayaa noqday xubno taageersan C/qaadir Cosoble oo uu isagu geystay, taasoo caddeyn kale u ah inuu kusoo baxayo kursigan.
Kuraasta ku harsan Jowhar ayaa u badan kuwo adag oo ay leeyihiin beesha uu kasoo jeedo Madaxweynaha Hirshabeelle, iyadoo la sii ogyahay musharixiinta taageerada heysta iyo kuwa rajadoodu yar tahay.
