Kursigii ugu danbeeyay ee Aqalka hoose Baarlamaanka Soomaaliya ayaa galabta lagu doortay magaalada Cadaado.
Kursigan oo muran weyn ka taagnaa isla markaana Suldaanka beesha Waceysle uu ka horjeeday ayaa ahaa kursiga Beesha Waceysle/Absuge waxaana ku soo baxday Sahro Cumar Maalin kadib markii ay tanaasushay Nimco Xasan Cabdulle.
Doorashada kursigan ayaa la sheegay in ergada saaka la geeyay magaalada Cadaado iyadoo halkaasina lagu soo gabagabeeyay doorashadii Aqalka hoose ee Cadaado oo 36 xildhibaan lagu soo doortay.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay dhammaan xildhibaanada lagu doortay Cadaado, waxaana sagootin loogu sameeyay halkaasi, iyagoo Muqdisho imaanaya intooda badan maalinta beri ah.
Goobjooge.com