Monday, June 23, 2025

Kursiga ugu muranka badan ee yaalla Cadaado & Guddiga Doorashada oo joojiyay in lagu tartamo

Guddiga Doorashada Dadban ayaa joojiyay kursi ka mida kuraasta Aqalka hoose ee Baarlamaanka oo la filayay in shalay lagu doorto magaalada Cadaado.

Kursigan oo muran badan ka taagnaa ayaa ah kursiga labaad ee jufada Habar ceyno ee Beesha Murusade, waxaana musharixiinta ku tartamaya ay kala yihiin:
1. Maxamed Maxamuud Guurre
2. Sakariye Maxamed Cosoble
3. Cabdiqaadir Nuur Carraale
4. Cabdiqaadir Gaafow Maxamuud

Muran  weyn ayaa hareeyay kursigan iyadoo la isu adeegsaday awood ciidan taasoo ay ugu wacan tahay nin la dhashay taliyaha NISA C/llaahi Gaafow Maxamuud oo  ka mida musharixinta.

Ad

cumar-dhegeyGuddiga Doorashada ayaa caddeeyay inay hakiyeen arrinta kursigan oo baaritaan ay wadaan, sida ay ku sheegeen qoraal ay xalay soo dhigeen bartooda twitterka.

Falkii lagu xiray wasiirka howlaha guud ee Galmudug Maxamed Maxamuud Guurre ayaa isna salka ku haya muranka ka taagan kursiga, waxaana socda baaritaan ku saabsan falkan kadib markii uu wareegto soo saaray madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON