Kursi ka mida kuwii ugu muranka iyo dhaqaalaha badnaa ayaa maanta lagu dooranayaa magaalada Jowhar.
Kursigan beesha Isaaq/Daa’uud ayaa waxaa ku loolamaya musharixiinta kala ah:
- Maxamed Axmed Beerey oo taageero ka helaya maamulka Gobolka Banaadir iyo Madaxtooyada
- Eng. C/qaadir Carabow oo ah wiil dhalinyaro ah oo taageero ka helay siyaasiyiinta ka horjeeda Xasan Sheekh
Doorashadan oo dib ugu dhacday is qabqabsi ku saabsan qoondada beelaha kadib markii uu isku soo dhex tuuray musharax C/llaahi Sheekh oo ka tirsan wasiirada maamulka Koonfurta Galbeed.
Doorashadan ayaa lagu tilmaamay mid ka mida kuwa ugu dhaqaalaha badan, waxaana ilaa xalay Magaalada Jowhar ka socday olole doorasho oo kursigan uu gaaray lacag dhan 25,000 halkii ergo.
Goobjooge.com