Thursday, June 26, 2025

Kursigii ugu dambeeyay ee Beesha Mareexaan oo lagu doortay Cadaado [Yaa ku guuleystay?]

Kursigii ugu danbeeyay ee Beesha Mareexaan ee yaala magaalada Cadaado, kana mida Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kursigan Beesha Mareexaan/ Ilmo Adeero, waxaa ku soo baxay Wasiirka Kuxigeenkii Hore ee Wasaarada Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdishakuur Cali Mire oo ku guuleystay 49 cod.

Kursigan waxaa ku tartamayay 4 musharax, waxaase soo xaadiray laba ka mida iyadoo C/shakuur Cali Mire ayaa ku guuleystay 49 cod kursiga musharixii kale C/risaaq Cali Jaamac uu helay 2 cod oo qura.

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in 35 xildhibaan lagu doortay Cadaado, iyadoo halka xildhibaan ee harsan oo ah Beesha Absuge la sheegay in loo wareejin doono magaalada Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON