Tuesday, June 24, 2025

Kursigii ugu muranka badnaa ee Aqalka Hoose oo maanta lagu dooranayo Magaalada Jowhar

Kursi ka mida kuwa ugu muranka badan ee yaala magaalada Jowhar ayaa lagu wadaa in goor dhow doorashadiisa ka bilaabato magaalada Jowhar.

Kursigan oo ah leedahay Beesha Warsangeli/Hari Abgaal ayaa waxaa ku loolamaya:

saabey-cosoble

  1. C/qaadir Cosoble Cali oo hore xildhibaan u ahaa isla markaana ka mid ahaa musharixiintii gu horeeyay tartankii madaxweynaha Soomaaliya 2012.

2. iyo Muxiyadiin Xasan Jurus oo hadda ah madaxa Canshuuraha Beriga ee Wasaaradda maaliyadda, horena u ahaa guddoomiyeha degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Muxiyadiin Jurus oo taageero weyn ka heysta madaxtooyada ayaa rafasho  iyo olole weyn ugu jira kursigan, wuxuuna hore u baajiyay doorashadii hore kadib markii uu meel ku xiray qaar kamida ergada taageersan, taasoo keentay in kooramkii ergada la waayo.

WARBIXIN: Musharax Qorshe la-yaab leh ku joojiyay Doorasho looga guuleysan lahaa

Lacag aad u faro badan oo ergada kursigan lagu bixiyay ayaa abuurtay khilaaf weyn oo keenay inay kala qeybsamaan, waxaana arrinta ilaa shalay iyo xalay ku dhex jiray Madaxweyne kuxigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo ugu danbeyn ku guuleystay in la xaliyo kala jiidashada ergada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON