Xildhibaanada isbaheystay ee Kutlada Badbaado Qaran ayaa maanta la filayaa inay go’aan ka qaataan xukuumadda cusub ee dhowaan uu soo magacaabay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, kadib shir ay isugu imaanayaan fadhigooda Muqdisho.
Xildhibaanadan oo hore u kala aragti duwanaaday 20-kii wasiir ee hore ayaa wararku sheegayaan inay intooda badan tageersan yihiin xukuumadda lasoo dhameystiray. Kutladan oo ah tan ugu badan waxaa Golaha wasiirada cusub ugu jira 8 xubnood oo kala ah:
[ad name=”HTML-3″]
Hal wasiir
6 wasiir ku xigeen
iyo Wasiiru dowle
Cod loo qaaday xukuumadii qabyada ahayd ee 20-ka wasiir ayaa waxaa inta badan xildhibaanada kutlada ay u codeeyeen inay diidaan kana hor yimaadaan xukuumadaasi, laakiin xaalada maanta ayaa la sheegay inay aad uga duwan tahay sidii oo lagu wado inay aqbaliyadda kutladani taageeradooda siiyaan xukuumadda cusub; iyadoo ay jiraan xubno weli diidaan.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]