Xildhibannada kooxda qabyo ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dib u soo nooleysay Kutladii Hore-u-socod ee mucaaradnimada ku bilowday dowladda Soomaaliya xilli ay 3 bilood xilka heysay.
Kutladan oo magaalada Nairobi lagu dhisay ayaa u socon weyday waaqic ka hor yimid, kadib markii si weyn ay shacabka uga hor yimaadeen, waxaana guddoomiye u ahaa xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig, waxayna markii danbe u noqotay mid magaca ahaan u jira.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay kala qeybsameen xildhibaanadii kooxda Qabyo, iyadoo guddoomiyihii kooxdan C/rashiid Xididig iyo koox kale ay la safteen kooxdii waday mooshinka Guddoomiye Jawaari, waxaana la sheegay in guddoomiye cusub loo sameeyay Kutladii Hore-u-socod.
Guddoomiyaha Kutladan ayaa la sheegay in laga dhigay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur, halka Guddoomiye kuxigeen aan hore u jirin laga dhigay Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyadoo Xoghaye uu noqday Xildhibaan Cali Cabdi Cusmaan (Caliyow).