Wafdi uu hogaaminayo Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Jeffrey Feltman ataa goor dhoweyd maanta tegay magaalada Muqdisho.
Wafdiga uu hoggaaminayo Jeffrey Feltman ayaa hadda kulan la leh Madaxda dowladda, iyagoo ka hadli doona xaaladda dalka, hwolgallada Q/Midoobay ee Soomaaliya.
Kulanka waxaa dhinaca Soomaaliya uga qeyb galaya Guddoonada labada gole ee Baarlamaanka yo Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya. Dhinaca Q/Midoobay waxaa u metelaya Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Wakiilka Qaramada Midoobey iyo wafdiga maanta yimid dalka.
Kulankan ayaa looga hadlayaa arrimaha dib u eegista dastuurka iyo siyaasad loo dhan yahay, waxaa kulanka ku sugan Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo kuxigeenkiisa Abshir Bukhaari iyo Ra’iisal Wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
SAWIRRO