Friday, April 19, 2024

La-taliyaha Madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabay diidmada Baarlamaanka ee Qorshaha ciidamada [Akhriso]

La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamud (Damuumaaye) ayaa difaaca Qorshaha dib u dhiska ciidamada ee muranka weyn ka taagan yahay.

La-taliyaha madaxweynaha ayaa xildhibaanada Baarlamaanka ku eedeeyeen inuu mas’uul ka yahay qorshahan,  isla mrakaana uu ahaa mas’uulkii loo diray magaalooyinka Nairobi iyo Adis ababa iyadoo aanay waxba  kala socon xukuumadda oo ay ku wehliyeen la-taliyeyaasha Amniga madaxda maamul Goboleedyada.


Xuseen Macalin ayaa sheegay in ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal u soo dhabar adeygay difaaca dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed, ayna intooda badan ay muddo ka badan 10 sano heegan joogta ah ugu jiraan furumaha oo ay kula dagaalamayaan Cadawga, sida uu yiri.

Ad

“Dowladda Federaaka waxaa ka go’an in ciidankaas geesiyaasha ah ee naftood hurayaasha ah loo helo daryeel, qalabeyn iyo inay helaan dhammaan xuquuqdooda aasaasiga ah, mana jiro wax saameyn ah oo ciidankan howlgalaya ay ku yeelaneyso Qorshaha Amniga Qaranka oo ujeedadiisu tahay sidii loo dar-dargelin lahaa tayeynta cidianka Soomaaliyeed”ayuu yiri La Taliyaha Amniga ee Madaxweynaha.

Waxaa uu meesha ka saaray inay jiraan qorshe lagu kala dirayo ciidanka xoogga dalka, isla markaana fasiraad aan sax aheyn laga bixinayo qorshaha Amniga Qaranka sida uu yiri.

- Advertisement -

“Haba yaraatee ma jiraan qorshe lagu kala dirayo ciidanka XDS oo aan aragnay in fasiiraad aan sax aheyn laga bixinayo, taaaso aan waafaqsaneyn Qorshaha Amniga Qaran, Dowladda Federaalka waxay sii xoojineysaa howlaha cidianka Xoogga dalka, mooyee ma dhici karto wax dalka dib u celiya”ayuu yiri La Taliyaha Amniga Qaranka.

Si shacabka ay u fahmaan dooda Qorshaha Amniga Qaranka waxaan halkan hoose ku soo gudbineynaa sida uu u qoran yahay arrinka ku saabsan ciidamada:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu ka kooban yahay;

• Ciidanka Lugta
• Ciidanka Cirka
• Ciidanka Badda

- Advertisement -

Waajibaadka ciidanka XDS waa;

• Ilaalinta midnimada Qaranka
• Illaalinta iyo difaaca xuduudaha dalka
• Difaaca cadawga dibadda iyo kan gudaha oo u abaabulan qaab hubaysan oo

khatar galiyaan xasiloonida dalka

Qorshaha Amniga Qaranka ayaa waxaa lagu xusay in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (XDS) tiradiisu ay noqoneyso ugu yaraan 18,000 oo ayan ku jirin ciidanka cirka, kuwa badda iyo ciidamada gaarka ah ee gaashaaman.

DHAMAAD

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON