La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay WarR ay faafiyeen qaar ka mid taageerayaasha madaxeweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xuseen Macallin Maxamed ayaa qoraal kooban oo uu dhigay bartiisa twitterka ku beeniyay War ku saabsan inuu dalka ka safray iyo kulan uu la yeeshay saraakiil ka tirsan Jabhadda TPLF ee Tigreega oo dagaal kula jirta dowladda Itoobiya.
“Fadlan iska jira wararka beenta ah ee wareegaya Internet-ka. Kama safrin Muqdisho tan iyo markii la ii magacaabay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,” ayuu Xuseen Macallin ku yiri qoraalka uu soo dhigay twitter.
Warka ay faafiyeen taageerayaasha Baraha bulshada ee Farmaajo ayaa lagu sheegay inuu La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Xasan Sheekh dalka Jabuuti kula kulmay sarkaal ka tirsan TPLF.