Tuesday, June 24, 2025

LA-YAAB: Haweeney dishay Saygeeda, kadibna nin ay jecleyd u ekeysiisay muuqaalkiisa [Sawirro]

Haweeney iyo nin ay jeceshahay oo ku nool Hindiya ayaa lagu eedeeyay in ay dileen seygeedii, ka dibna ay qalliin wejiga uga sameeyeen si ninka ay jeceshahay ugu ekeysiiyo ninkeedii.

Waxay diyaariyeen weerar been abuur ah oo aashito wejiga loogaga shubay ninka ay jeceshahay, si qalliinka ka dib uu ugu ekaado ninkeedii ay dileen, sidaas waxaa sheegay booliska Telangana ee Koonfurta Hindiya.

Qoyka ninkii la dilay ayaa iska aaminay in wiilkooda uu yahay midka aashitada lagu shubay, waxayna bixiyeen qarashkii cisbitaalka. Balse ninka dhintay walaalkii ayaa shakiyay markii uu cisbitaalka ku booqday ninka wejiga qalliinka looga sameeyay ee loo ekeysiiyay walaalkii.

Swati iyo Sudhakar Reddy

Kadib wuxuu dacwo u gudbiyay booliska oo baaritaan dhanka faraha ah ku sameeyay ninka, waxayna ogaadeen in labada nin ay kala duwan yihiin, balse wejigoodu isku mid yahay. Sidoo kale kiiska dacwada waxaa ka mid ah eedeyn la xiriirto dil iyo khiyaano.

Xaaska oo lagu magacaabo, Swati Reddy, ayaa la xiray. Booliska ayaa  sheegay  Telugu in jaceylkeedana la soo xiri doono. Rajesh Ajjakolu ayaa weli ku jira cisbitaalka, waxaana laga daaweynayaan gubashada Aashitada.

Seygeeda oo lagu magacaabay Sudhakar Reddy, ayaa la sheegay in la dilay 26-kii Nofembar, ka dib maydkiisa ayaa la tuuray, welina lama helin.

Rajesh Ajjakolu
Rajesh Ajjakolu ayaa cisbitaalka la geeyay ka dib markii Aashitada lagu shubay

Booliska wuxuu sheegay in haweeneyda ay qiratay in iyada iyo jecelkeeda ay dileen seygeeda.

Rajesh Ajjakolu waxaa cisbitaalka la geeyay 28-kii Nofembar, ka dib Swati ayaa qoyska seygeeda ku wargelisay weerarka Aashitada iyadoo jaceylkeeda ka dhigeysa in uu ninkeeda yahay.

Booliska wuxuu tilmaamay in qoyskii ninka la dilay ay moodeen in wiilkoodu yahay ninka la daaweynayay, waxayna bixiyeen $7,758 dollar oo ah qarashkii cisbitaalka.

Shirqoolka iyo khayaanada waxay fashilmeen 9-kii Desembar ka dib markii Mr Reddy walaalkii uu ka shakiyay in ninka uu yahay mid been abuur ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON