Monday, June 23, 2025

LA-YAABKA DOORASHADA 2016: Walaalo ku tartamay Kursi xildhibaan oo haddana isla haray

La-yaabka doorashooyinka 2016 waxaa ka mid noqday dhacdooyinka loo diiwaan geliyay tartan laba musharax oo wada dhashay u galeen kursi ka mida aqalka hoose ee Baarlamaanka.

Kursigan waxaa ku loolamay:

  1. Maxamed Xasan Aadan – xildhibaan hore ugu fadhiyay
  2.  Axmed Xasan Aadan –  Xildhibaanka hore walaalkiis
  3. Dr. Xuseen Cabdi Cilmi
  4. Maxamed Cabdullaahi Axmed

dir-jowhar

Wareegii koowaad ee Doorashada ayay dhacday inuu ku haro xildhibaan Maxamed Xasan Aadan oo kursigiisa difaacan waayay, laakiin walaakiis ayaa isna ku haray wareeggii labaad, taasoo keentay inay isugu soo haraan labada musharax ee danbe oo wareeg saddexaad isla gaaray, waxaana ku guuleystey Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo helay 34 cod halka musharixii ku soo xigey Maxamed Cabdullaahi Axmed uu ka helay 16 cod.

Arrintan ayaa si weyn looga hadal hayay magaalada Jowhar, waxayna noqotay doorasho xiiso leh iyo mid ka mida kuraasta sida weyn loogu tartamay ee la isla gaaray wareeg saddexaad.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON