Weeraryahanka kooxda Liverpool iyo xulka dalka Masar Maxamed Salaax ayaa xaqiijiyey in u xulka dalkiisa Masar kala qayb geli doono tartanka koobka aduunka ee sanadkan ka dhici doona dalka Ruushka.
Maxamed Salaax ayaa markii dhakhaatiirku u sheegeen natiijada baadhitaankii dhaawacii garabka ka gaaray kadib, wuxuu qoraal uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay shabakadda Twitter-ka ku sheegay in uu u safan doono xulka Qarankiisa. Qoraalka uu halkaa ku baahiyeyna waxa uu u qornaa sidatan:
“Habeen adag buu ahaa… laakiin waxaan ahayn dagaalyahan. Wax kasta oo dhacayse waxaan ku kalsoonahay in aan Ruushka tagi doono si aan dhamaantiin hankiina u dhiso. Kalgacalkiina iyo taageeradiina waa awoodda aan u baahanahay ee i siinaya”.
Maxamed Salaax ayaa waxa dhaawacu ka soo gaaray ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka horyaalka Yurub ee ay iskaga hor yimaadeen kooxdiisa Liverpool iyo Real Madrid oo guushu 3-1 ku raacday.
Salaax waxa uu saftay soddonkii daqiiqo ee ugu horeeyey ciyaarta, laakiin waxa tabaraha kooxdu go’aansaday inuu bedelo maadaama oo dhaawac soo gaadhay, waxaana loo malaynayaa in garabka iyo gacantu kala baxeen.
Dhaawacaasi gaaray Maxamed Saalax ayaa la sheegay in daweyntiisu ay qaadan doonto muddo saddex toddobaad ah, iyadoo ay arrintan ka farxisay taageerayaasha Masaarida oo laacibkan uu xulka dalkiisa u hoggaamin doono ciyaaraha adduunka ee Ruushka 2018.