Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa jawaab ka bixisay Warbixin ku saabsan sheekada nin Soomaali ah oo sheegay inuu Afrika uga qaxay ‘faquuqa ay la kulmaan ragga is guursada’.
Cabdullahi Cabdi Sheekh, Madaxa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC yiri: “BBC waxay u mahad celineysaa dhammaan dhageystayaasha fikradahooda ka soo dhiibtay warbixintan. Marnaba ma ahayn ujeedkeenu in aan cid ka xanaajino, laakiin waxaanu sameynaa barnaamijyo kala duwan sida ay u kala duwan yihiin dhageystayaasheenu..”
Wuxuu intaas ku daray: “BBC waxay sameysaa warbixinno dhexdhexaad ah iyo meel lagaga doodi karo fikrado kala duwan. Waxaanu fahamsannahay in wax walba oo aanu sii deyno aanay qancineyn qof kasta, si kastaba ha ahaatee, ogow in fikradihiina iyo walaaciina lala wadaagay maamulka Laamaha Dibedda ee BBC”.
Warbixinta ayaa markeedii hore lagu qorey bogga ku baxa luqadda Ingriiska ee BBC-da iyadoo uu diyaariyay weriye ka howlgala dalka Mareykanka, waxayna ka hadlaysaa qof Soomaali ah oo Afrika uga cararay sababo la xiriira waxa uu aaminsan yahay, oo uu arkay inay ka duwan tahay tan ay bulshadiisa dooneyso.
Akhristayaasha iyo dadka Soomaalida ayaa si weyn uga dhiidhiyey faafinta BBC-da ee ay Afsoomaali ku tarjuntay sheekadan, waxaana loo qoray boqolaal farriimo oo lagu haaraamayo, laakiin waxaa muuqata in Laanta Afsoomaaliya ay hadalkeeda ku soo koobtay inay arrintaasi la wadaageen laamaha kale ee BBC-da.