Faahfazhin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal laba beeleed ku dhex maraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, iyadoo ciidamo kala dhex gala loo diray degaanka Labagalle ee degmada Caabudwaaq.
Ciidamada Dawladda oo ay wehliyaan wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Galmudug ayaa gaaray halka dagaalku ka dhacay, waxayna waanwaan ka dhex bilaabeen miliishiyada dagaalantay.
Dagaalladii shalay oo kaliya ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan toban qof, iyadoo dhaawucuna kor u dhaafayo 20 kale. Qasaaraha dagaalkan beeleed noqday midkii ugu cuslaa ee labada beelood ku mara degaanka Labo-galle ee Gobolka Galgaduud.
Dagaalkan ayaa salka ku haya Baraag laga qodayey degaankaasi oo ay isku qabsadeen beelaha kala dega Caabudwaaq iyo Cadaado oo dagaalkoodu muddo dheer soo jiray, soona noqnoqday.
Dadka dhimashada iyo dhaawaca ku noqday dagaalkan ayaa gaaray 20 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo dadka degaanka, waxaana rajo laag qabaa in xabbad joojin la dhex dhigo labada dhinac.
