Sunday, July 13, 2025

Laba dal oo laga arkay Bisha Soonfur, kuna dhawaaqay inay Berri tahay Maalintii koowaad ee Ciidul fitriga

Wararka laga helayo dalka Indonesia ayaa sheegaya in halkaasi looga dhawaaqay inay berri oo Jimce ah tahay maalinta koowaad ee Ciidul fitriga 1439H.

Dadweynaha dalka Indonesia ayaa maalinta berri ah u dabaaldegaya munaasabadda Ciidul fitriga kadib markii Wasiirka Arrimaha diinta ee dalkaasi Luqman Hakim Saifuddin uu ku dhawaaqay in la xaqiijiyey aragtida bisha Shawaal.

Hadalkan ayuu wasiirku ka sheegay shir jaraa’id oo xafiiskiisa uu ku qabtay markii golaha diinta dalka Indonesia ay xaqiijiyeen aragtida bisha Shawaal,. waxayna maanta dalkaasi u ahayd 29-ka Ramadaan.

Dhinaca kale dalka Maleysia ayaa isna looga dhawaaqay inay berri oo jimce ah oo ku beegan 15 ka June 2018 ay ku beegan tahay ciidul fitri. Dalalkaasi ayaa Soomaaliya ka horeeya muddo 4 saacadood ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON