Hay’adda caalamigha ah ee Save the Children ayaa sheegtay gabdhaha Soomaaliyeed weli loo gudo habka fircooniga ah oo keenayin qaarkood ay u dhinteen Gudniinka.
Qoraalka ay soo saartay ayey hay’addu ku sheegtay in dabayaaqada todobaadkii hore laba gabdhood oo walaalo ah, oo 10 jir iyo 11 jir kala ahaa ay dhinteen kadib markii lagu Guday tuulo ku taala xudduudda Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhinaca Puntland, iyagoo dhintay intii isbitaalka loo sii waday.
Laba bilood ka horna waxay hay’addu sheegtay in gabar 10 jir ah ay dhibaatadaas oo kale u dhimatay. “Gabdho kale oo todoba ka badan, da’dooduna u dhaxayso 5-8 ayey soo badbaadisay Save the Children, ka dib markii jaray, waxaana iminka lagu daweynayaa isbitaallo kala duwan oo ku yaalla Goldogob iyo Beledweyne” ayey ku tiri qoraalkeeda hay’adda Save the children.
C/qafaar Cilmi Xaange waa madaxa hay’adda Save the Children ee Puntland, ayaa sheegay in sannadihii ugu dambeeyey uu fahamka dadka isbeddelay, balse 90% gabdhaha ku nool geyiga Soomaaliyeed waxay halis ugu jiraan in la gudniinka culus lagu sameeyo.
Timothy Bishop oo ah agaasimaha Save the Children u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegaya in “arrintan lagu joojin karo haddii qoysaska iyo bulshada ay go’aansadaan inay joojiyaan o khatarta la galinayo nafta carruurteenna'”.
Sida ciqaabahaas loo dhaqan galin karo ayuu C/qafaar Cilmi Xaange ku tilmaamay in maxkamadihii iyo hay’adihii sharciga oo dhamaystiran loo baahan yahay in la helo. “Seddex gabdhood oo usbuuc gudihiis dhintay baan kuu sheegay, Qofkii dhibaatadaas kallifay oo gabdhahaas jarjaray naf buu gooyay, waa wixii ay diinta islaamku ka qabto in la waafajiyo” ayuu yiri.
Maamullada dalka ka jira iyo dawladda dhexe midkoodna weli kama uusan hadlin dhibaatadan baaxaddan leh ee ay ka hadlayso hay’adda Save the Children.