Monday, July 14, 2025

Laba Haween oo lasoo bandhigay kadib markii ay xadeen Wiil yar oo 2 sano jir ah (Daawo)

Waxaa magaalada Kismaayo lagu soo bandhigay laba haween ah oo wiil yar oo 2 sano jir ah ka xaday xaafadda Midnimo ee magaalada Kismaayo.

Taliyaha ciidamada Booliska magaalada Kismaayo Warsame Axmed Geelle ayaa sheegay inay qabteen shabakad caruurta ka ganacsata, sharcigana la hor geyn doono, kadib markii wiil yar ka xadeen magaalada Kismaayo, lana qabtay iyadoo loo waday Buulo-gaduud oo ganacsi ahaan loo loogu talogalay.

Hooyada dhashay wiilka Farxiyo Macalin Maxamuud ayaa sheegtay in wiika yar oo lagu magacaabo C/llaahi Carab la waayey subaxnimadii shalay ilaa xalay saqdii dhexe ku dhowaadna ay raadinayeen, waxaana lagu qabtay degaanka Dudumo-gaduud, iyadoo loo waday Buuulo-gaduud.

Haweeney lagu magaaabo Samiira Xasan Maxamuud oo iyadu qiratay inay wiilka xaday ayaa sheegtay inay u soo dirtay haweeney kale oo lagu magacaabo Shamso Sheekh, taasoo u sheegtay inay siineyso lacag dhan 5000 Dololar, sidaasina ay ugu geyn rabtay Buulo-gaduud oo qorshuhu ahaa inuu nin kala wareego.

Haweeneyda labaad oo iyaduna la qabtay ayaa beenisay kiiskan inay wax ka ogtahay, waxaana baaritaankooda wada Booliska Kismaayo iyadoo Maxkamad lasoo taagi doono.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON