Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa fasaxday oo sii deysay laba ka mida eedeysanayaashii loo heystay dilka Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhegajuun oo Muqdisho ka dhacay Janaayo 2021.
Maxkamadda Ciidamada ayaa amartay in la sii daayo laba ka mida 7 Eedeysane oo midkood uu maqane ahaa, kadib markii ay Maxkamaddu ku weyday inay qeyb ku lug lahaayeen dilka Guddoomiyihii Degmada Hodan.
Eedeysanayaasha lasii daayey ayaa kala ah:
1- Cabdiraxmaan Isaaq Cabdullaahi
2- Xasan Abuukar Maxamuud (Buuqsane)
Waxayna Maxkamaddu amartay inay sii deysay, markii ay dacwadda kala noqotay xeer ilaalinta Maxkamadda, waxaana hadda kiiska kusoo haray kiiska 5 eedeysane oo uu ka mid yahay Taliyihii hore ee saldhiga Booliska degmada Howlwadaag Gaashaanle Shuceyb.
Dacwadda oo ka socota Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa ah mid aad u kulul iyadoo xeer ilaalinta ciidamada ay xoogga saareyso in kiisku yahay ulakac dil, halka qareenada u doodaya eedeysanayaasha ay ku adkeysanayaan inuu falku ahaa mid kama’ ah oo aan ulakac ahayn.
