laba musharax ayaa isugu soo haray wareegga saddexaad ee doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo ka socota magaalada Jowhar.Wareegii koowaad waxaa ugu horeeyay musharixiinta Maxamed Cabdi Waare iyo Daahir Cabdulle Cawaale, iyadoo ay tanaasuleen labadii musharax ee ku soo xigtay inay ku tartamaan wareegga labaad ayay arrintaasi ka dhigtay in loo gudbo wareegga saddexaad ee kama danbeysat ah, kaasoo lagu kala baxayo codad hal dheer ah.
Musharax Maxamed Cabdi Waare oo loo saadaalinayo inuu ku soo bixi doono doorashadan ayaa wareegii koowaad helay 44 cod, halka Musharaxa kale Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 20 cod oo qura, taasoo dad badan u arkeen in madaxweynaha Hirshabeelle uu soo muuqdo.
Wareega saddexaad ayaa hadda socda iyadoo codadka ay dhiibayaan xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle.