Sunday, June 22, 2025

Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya oo Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay Dastuurka Somaliya

Fadhigii labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ka furmay, iyadoo la guda galay u codeynta qodobadda dastuurka ee 1-4.

Codeynta koowaad ayaa ahayd codka loo qaadayo raseynta cutubyada oo mid mid loogu qaaday si kala gaar ahna ay labada aqal mid waliba u codeeyeen, iyadoo cutub waliba labada aqal ay. cod gacantaa ah u qaadeen.

Codeynta xildhibaannada ee ku saabsan raseynta cutubyada waxay ku ansaxeysaa cod hal dheeri ah (50+1), waxaana natiijadii oo guddoonku ku dhawaaqay ay noqotay sida soo socota:

Ad

Waxaa fadhiga labada Aqal ku sugnaa 253 xildhibaan iyo Senator, waxaana guddoomiye Sheekh Adan Madoobe uu ku dhawaqay in dhammaan ay ogolaadeen, isla markaana aanu jirin qof diiday iyo mid ka aamusay.

Codeyntii labaad ee ansixinta Dastuurka oo lagu bilaabay senatoorada Aqalka Sare oo laga rabay inay cod 3/2 ku ansixiyaan Dastuurka, waxayna natiijadii noqotay:

Kooramka Aqalka Sare ayaa ahaa 42 Senator, dhammaantoodna ay ogoladeen, ayna ansixiyeen dhammaan wax ka bedelka Dastuurka.

- Advertisement -

Codeyntii labaad ee guud ahaan wax ka bedelka dastuurka waxaa u codeeyay Afarta cusub, waxayna natiijadii noqotay:

Inay dhammaan xildhibaannada Golaha Shacabka ee fadhiga ku sugnaa ay ahaayeen 212, dhammaantoodna ay ansixiyeen wax ka bedelka Dastuurka, isla markaan aanu jirin xildhibaan diiday ama mid ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada ansixinta Dastuurka Federaalka Soomaaliya, sidaasina uu ansax ku yahay wax ka bedelka Dastuurka Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON