Friday, June 27, 2025

Lacag Shilin Somali oo maamulka Puntland daabacday oo lagu qabtay Galmudug

Howgal ay magaalada Gaalkacyo dhinaceeda Koonfureed ciidamada Galmudug ka sameeyeen oo lagu ugaarsanayay lacag shilin Soomaali faalso ah oo uu dhowaan daabacay suuqana soo geliyay maamulka Puntland ayaa lagu soo qabtay qeyb lacagahaasi ka mida oo dhinaca Puntland kasoo galay.

Lacagtaas lagu daabacay magaalada Boosaaso ayaa ah mashruuc ay iska kaashanayaan maamulka Puntland iyo ganacsato degaankaasi ka soo jeeda oo maalgashaday warshadda sameynta iyo qalabka loo adeegsado. Waxaa welwel weyn arrintan ka muujiyay ganacsatada Puntland.

Gaari lacagahaas faalsada ah waday iyo lacagtii la qabtay iyo raggii lacagtaasi watay ayaa lagu soo bandhigay maanta magaalada Gaalkacyo.  Duqa degmada Gaalkacyo Bile Diini Cali ayaa sheegay in ka maamulkooda aysan u dulqaadan doonin lacagahaas been abuurka ah ee Puntland ka timid. Taliyaha Booliska Gobolka Mudug Maxamed Cali Nuur ayaa isna ku eedeeyay lacagtaasi Faalsada ah inuu suuqa Soo Galiyay Madaxweynaha Puntland Cabdi wali Cali Gaas.

lacagfaalso

7

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON