Tuesday, July 1, 2025

Lafta-gareen oo War aan la fileyn kasoo saaray Dagaalkii Baydhaba, baaqna u diray Mucaaradka..

Madaxweynahha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo war kasoo saaray dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa si aan la fileyn uga hadlay, isagoo ku baaqay shir ay isugu yimaadaan dhinacyada K/Galbeed.

Laftagareen ayaa sheegay inuu muddo Bil ah hortaagnaa inay Baydhaba ka dhacaan wixii maanta dhacay, ayna nasiib darro weyn ahayd, isagoo tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay Baydhabo.

Khudbad uu jeediyay ayuu ku sheegay inay baarayaan waxa sababay dagaalkii saakay ka dhacay  Baydhabo ayna la xisaabtamayaan cidii ka dambeysay sida uu yiri, inkastoo musharixiinta ka horjeeda ay ku eedeeyeen inuu isagu amarka weerarka bixiyay.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ku baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo nabadda, waxa uuna cadeeyay cid kasta oo siyaasad ama cabasho qabta in ay fidsan tahay gogol nabadeed oo ay ku sheegan karaan.

Weerarkii ciidamada K/Galbeed ku aadeen Guriga siyaasiga Maxamed Aadan Fargeeti ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 10 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 19 kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON