Wednesday, July 2, 2025

Leicester City oo ku guuleysatay Horyaalka Ingiriiska

Kooxda Leicester City ayaa ku guulaysatay horyaalnimada Ingiriiska markii ugu horeysay taariikhda kooxdaasi, kadib markii kooxdii ugu soo dhoweyd ee Totenham ay barbarro 2-2  la dhaafi weysay kooxda Chelsea.

Ciyaartan oo ahayd mid ay hareeyeen  buuq iyo dagaal labada koox dhex maray ayaa ku dhammaatay barbarro u saamaxday inay Leicester hanato koobkan iyadoo ay rumowday riyo dad badan u arkayeen inaysan macquul ahayn.

The greatest underdog story of all time

Kooxda Leicester City  ayaa ahayd koox sanadkii hore qalqiil uga fakatay inay hoos uga dhacdo heerka koowaad, waana koox aan dhaqaale badan lagu bixinin oo meesha ka saartay kooxihii waaweyn ee horyaalka Ingiriiska.

Guusha la yaabka leh ee kooxda Leicester ka gaartay horyaalka ingiriiska waxaa inteeda badan loo aaneynayaa tababarraha reer Talyaani ee Claudio Ranieri oo weligii aan guul sidan oo kale ah arkin iyo laacibiinta kooxda oo muujiyay inaysan lacag badani guul keeni karin.

Leicester City win the Premier League title as Tottenham slip up

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON