Iyadoo in ka badan 180 Dal iyo degaan dunida oo dhan uu ku faafay cudurka Covid-19 ee uu keeno coronavirus ayaa haddana qaaradda Afrika waxay ka mid tahay meelaha kiisaska ugu yar laga soo weriyey, isla markaana ilaa lix dal aan weli laga helin cudurka.
Lix dal oo ka mida 54-ka dal ee Africa ayaa ka mida dalalka sii yaraanaya ee aanu gaarin cudurka, waxayna kala yihii: South Sudan, Burundi, Sao Tome and Principe, Malawi, Lesotho iyo Comoros.
Qaar ka mida dalalkan waxaa aad u yar isu socodka dadka uga yimaada dibadda, halka intooda badan ay aad u liitaan hay’adahooda caafimaad oo aanay heysna qalabkii ay ku ogaan lahaayeen cudurkan, taasoo keenay inaanba lasoo werin wax kiisas ah.
SOUTH SUDAN – Dalka Koonfurta Sudan ayaa ah dal dagaal sokeeye ah mar dhow ka joogsaday oo heerkiisa caafimaad uu aad u liito, iyadoo laga digay haddii uu dalkaasi cudurku gaaro inaan waxba laga qaban karin adeegga caafimaad oo aad u kooban dartiis.
BURUNDI – Dalka Burundi oo ah dal yar oo dunida inteeda kale go’doon uga jira xaaladda siyaasadeed ee dalkaasi awgeed ayaan sidoo kale weli laga soo werin cudurka coronavirus, wuxuuna hadda isu diyaarinayaa doorasho guud oo dhaceysa bisha May 2020.
SAO TOME AND PRINCIPE – waa jasiirad yar, iyadoo aan laga helin wax kiis ah oo coronavirus ah ayaa loo aaneynaa inaysan awoodin inay sameyso baaritaanada cudurka.
MALAWI – Waa dal kale oo weli aan laga helin cudurka Coronavirus, mana heysto dalkaasi qalabka lagu baaro cudurka.
LESOTHO – Waa boqortooyo ku dhex taalla dalka South Africa, waxaa lagu soo rogay bandow 24 saac ah, iyadoo aan laga diiwaan gelin wax kiisas ah oo la xiriira cudurka.
COMOROS – Jasiiradda Comoros ee ku yaalla Badweynta India ayaa sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka waxaan laga helin wax kiis ah oo la xiriira cudurka coronavirus.
Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa ka digtay in coronavirus uu saameyn xun ku yeelan doono Afrika haddii aan la iska xil saarin in laga hortago, waxaana Afrika ugu wacan inuu kiisaskeeda yaraadaan inuusan jirin baaritaan weyn iyo qalabkii lagu baari lahaa oo aysan heysan dalal badan.
Dalalka ugu darran ee Afrika uu cudurka Coronavirus halakeeyay waxaa ka mida South Afrika, Aljeria, Purkinafaso, Masar, Marocco iyo Tunisia.
UPDATE: Laba dal ayaa ka baxay liiskan oo la shaaciyey in laga helay Corona Virus, waxaana ka mida:
Burundi waxaa laga helay (2) kiis
SierraLeone waxaa laga helay (1)