Caleemo saarkii madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta lagu qabtay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa ahaa mid si weyn looga qeyb galay oo madax badani ay xaflada iska xaadiriyeen . Haddaba waxaa halkan idinkugu soo gudbineynaa liiska madaxda dalka, kuwa Geeska afrika iyo wakiilada beesha caalamka ee ka qeyb galay xafladaasi, waxayna kala yihiin:
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
- Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya (sida wasiirka arrimaha gudaha, Gaashaandhigga & kuwo kale)
- Xildhibaano Baarlamaanka Federaalka
- Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan
- Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr
- Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay
- Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso
- Ergeyka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey
Khudbadihii xaflada laga jeediyay waxay ka markhaari kacayaan in caleemo saarka uu ahaa mid weyn oo aan laga tebin diidmada maamulada qaar kaga horjeedaan Galmudug.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]