Ciidamada Booliska magaalada Boosaaso gacanta ku dhigeen nin la sheegay inuu dadka ka tahriibin jirey magaaladaasi oo uu ka mid ahaa ma-gafeyaasha waaweyn.
Ninkan ayey boolisku sheegeen inuu shaqaaleysiiyay ilaa iyo 200 oo dhallinyaro ah oo ku qal-qaaliya dhalinyarada inay tahriibaan.
Waxaa la sheegay in halkii qof ee ay dhallinyradaas u keenaan uu ku siin jiray lacaga gaareysa 200 oo dollar.
Guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Waceys ayaa sheegay in ninkaan ay ku wadaan baaritaan, islamarkaana maxkamad lasoo taagi doono.
Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in shaqsigan oo aanu magaciisa sheegin uu marar badan dhallinyaro reer Boosaaso ah tahriibiyey, sidoo kalena dadka lacag ku siin jirey in ay u keenaan dadka tahriibka ah.