Monday, June 23, 2025

Ma taqaan halka ay ku baxaan kharashaadka ugu badan dowladda Federaalka?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa dowladda ugu miisaaniyad yar dowladaha caalamka, tusaale ahaan sanadka 2004 waxay miisaaniyadda dowladda gaareysaa: $ 216,230,043.  Lacagta soo gasha dowladda qeyb weyn oo ka mida ay tahay deeq dibadda uga timaado oo laga fisho dalal kaalmeeya Soomaaliya, sidaasoo ay tahayna ayaa haddana waxaa lagu eedeeya dowladda Soomaaliya inay tahay mid uu la degay musuqmaasuq iyadoo kaalinta hore uga jirta dalalka adduunka ee ugu musuqa badan.

Raadraac ay sameysan Goobjooge.com ayaa lagu ogaaday in kharashaadka ku baxa dowladda marka laga reebo operation-ka ay ugu horeyso lacagta madaxda dowladda u qaataan safaradda ay gudaha dalka iyo dibadda ugu baxaan, taasoo loo yaqaan sahay-safar. Arrintan ayaa la sheegay inay soo taxneyd ilaa xilligii dowladii C/llaahi Yusuf madaxweynaha ka ahaa, ayna noqotay dabeecad joogto u ah madaxda dowladda oo ay ku xisaabtamaan.

 

Safarrada madaxda dowladda iyo dhaqaalaha ku baxa
Safarrada madaxda dowladda iyo dhaqaalaha ku baxa

Dhacdoouinka  kamida kuwii ugu yaabka lahaa ee kharashaad badan lagu bixiyay waxaa kamida safarada madaxweynaha ee gobolada dalka iyo dibadda, safaradda ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka. Lacag ka badan Hal milyan oo doolar ayaa la sheegay inay ku baxday safarkii uu ra’iisal wasaare Cweli Sheekh ku tegay Kismaayo, iyadoo qeyb ka mid lacagtaasi loo adeegsaday dib u heshiisiin.

Isha kale ee lacagaha dowladda u daloosha ayaa la xaqiijiyay inay tahay qabashada shirweynayaasha looga hadlayo arrimaha kala duwan oo qaarkood ay ku dhowaadeen Milyan Doolar. Shirarkaasi waxaa kamida:

1. Shirweynihii Garsoorka

2. Shirweynihii xagjirka diinta

3. Shirweynihii Waxbarashada

4. Shirweynihii Ammaanka

 

Goobjooge Info

Muqdisho

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON